Golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ayaa maanta yeeshay kulanka 32aad ee kalfadhiga 2aad, waxaa shir guddoominayey Maxamed Cusmaan Jawaari.
Ajendaha kulanka waxaa uu ahaa: Qeybinta xisaabcelinta gargaarka degdega ah gaar ah ee Xildhibaannada, ansixinta soo-jeedinta guddiga maaliyadda ku saabsan dib-u-eegista canshuurta gunnooyinka ee ku noqoashada miisaaniyadda sanadka 2017, Akhrinta 1aad hindise sharciyeedka la-dagaallanka argigixisada, Akhrinta 1aad Hindise sharciyeedka xakameynta hubka wax dila.
Ugu horeyn, waxaa la qeybiyay Kharajka ay bixiyaan Xildhibaannada ee loo isticmaalo daryeelka, qoyska Xildhibaannada waxaa ku baxday kharaj dhan: 757,000,00, Xildhibaannada Jiran waxaa ku baxay: 260,439,00, Xildhibaannada geeriyooday waxaa duug ahaan loo isticmaalay: 38,500,00, Kharajka lagu bixiyay dhaawacyada iyo dhimashadii qaraxii baarlamaanka: 79,000,00, Xildhibaannada ka hor dhintay qaraarka daryeelka Xildhibaannada: 15,000,00,Xildhibaannada aan weli la siin taakuleynta qoyska: 30,000,00.
Golaha shacabka, waxaa uu sidoo kale ansixiyay soo jeedinta guddiga maaliyadda ku saabsan dib u eegis canshuuraha gunnooyinka ee ku noqoshada miisaaniyadda qaranka 2017, waxyaabaha la ansixiyay waxaa ka mid ah
- In dhammaan gunno xiliyeedka la siiyo mas’iiuliyiinta dowladda laga jaro canshuur bileed dhan 8% laga bilaabo October 2017
- In wasaaradda maaliyadda dib u eegis ku sameyso shuruucda jirta ee casnhuuraha, waafijiyaanna nidaamyada casriga ah ee maamulka iyo maaliyadda
- Xeerka miisaaniyadda waa mid sanadle ah, waxaa wax ka badali karo oo keliya golaha shacabka
- Guddiga waxaa uu soo jeedinayaa in xukuumadda diyaariso xeer nidaamiye qeexaya gunno xileeydka baarlamaanka federaalka ah si waafaqsan xeer-hoosaadka golaha shacabka oo dhaqan gala sanadka misaaniyadeedka 2018
- Guud ahaan xukuumadda, gaar ahaan waraasadda maaliyadda waxaa la farayaa in miisaaniyadda dhaqan-geliyaan sida ku cad go’aanka golaha shacabka ansixiyay
- Qaraarkan waxaa uu dhaqangalayaa marka uu ansixiyo golaha shacabka
Dhinaca wasiirka amniga gudaha Maxamed AbuukarIslow (Ducaale) ayaa Xildhibaannada golaha shacabka u akhriyay hindise sharciyeedka la-dagaallanka argigixisada iyo Hindise sharciyeedka xakameynta hubka wax dila.
Maalinta sabida ah, waxaa golaha shacabka soo booqan-doona xubno ka socda guddoonka baarlamaanka dalka Djioubti.


























