Baarlamaanka oo ansaxinaya Sharciga Biyaha

850
Xildhibaanka Barlamaanka Dowladda Federalka Soomaaliya

Waxaa maanta lagu wadaa in uu magaalada Muqdisho ka dhaco kulan caadi ah oo ka tirsan kullamada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Ajendaha kulanka maanta ayaa lagu sheegay in uu yahay cod u qaadista ansixinta Hindise Sharciyeedka Biyaha kaas oo maray dhammaan akhriskii loogu talagay.

Sharcigan oo isbadal ku sameeyeen guddiga u qaabilsanaa golaha shacabka, waxaa isbadal lagu sameeyay qodobo badan oo ku jiray  sida heerka tayada biyaha, xubnaha kheyraadka qaranka, guddiga qaranka ee kheyraadka biyaha, mas’uuliyadda iyo waajibaadka wasaaradda, khimada biyaha, heerka tayada biyaha iyo qodobo kale.

Aqalka hoose waxaa kalfadhigan la keenay ku dhawaad 20 sharci, kuwaas oo sida la sheegay ay tahay in meel-mariyaan kalfadhigan iyo midka xiga.