Baarlamaanka Mecedonia oo meel mariyay in magaca laga beddel dalka Mecedoniya

49
Baarlamaanka Jasiirada yar ee Macedonia ayaa shalay u coddeeyay in magaca laga beddelo kaddib sanno muran dhulka ah kala dhexeeyay dalka Gariiga. Sawirka: Reuters

Baarlamaanka dalka Mecedonia ayaa meel mariyay in dastuurka dalka wax laga bedallo si  magaca cusub loogu bixiyo.

Baarlamaanka ayaa aqbalay in dalka oo hadda la yiraah Jamhuuriyadda Mecedonia loo beddelo waqooyiga Mecedoniya si loo soo afjaro muran dhanka magaca ah oo u dhaxeeyay dalka Gariiga iyo Mecedoniya.

Labadaan dal  ayaa muddo gaareysa 27 sano isku hesytay magaca Mecedonia oo labada dhinac ay kala sheeganayeen.

Dalka Gariiga ayaa waxa uu leeyahay gobol la yiraahdo Mecdonia waxayna u arkaan in dalkaan loo bixiyo in ay tahay in la xaday dhaxalka dalka Gariiga. Mecedoniya oo hadda qaadatay waqooyiga Mecdoniya ayaa ku biiri karta Nato iyo Midowga Yurub oo ay horay uga hortaagneyd Gariiga.

Labada Ra’iisul wasaare ee Gariiga iyo Macednia ayaa dalka Gariiga ku saxiixday heshiis  wax looga beddelo magaca dalka Mecadonia si loo dhammeeyo khilaafka labada dal oo muddo badan soo jiitamayay.

SHARE