Baarlamaanka Jubbaland oo Guddoomiye iyo labadiisa ku xigeen doortay

60

Kismaayo – Sheikh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa loo doortay Guuddoomiyaha Baarlamaanka dowlad Goboleedka Jubbaland. Guddoomiyaha cusub ayaa ku guulaystay 55 cod halka Xuseen Shiinow Cali oo helay 18 cod.

Guddoomiyaha la doortay Sheikh Cabdi Maxamed ayaa horey u ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka iyadoona markale loo doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka 2aad ee Jubbaland.

Waxaa sidoo kale Guddoomiye ku xigeenka 1aad iyo 2aad loo doortay Aadan Khaliif Xaaji iyo Cabdi Baalay Xuseen.

Doorashada Baarlamaanka Jubbaland ee maanta ka dhacday magaalada Kismaayo ayaa waxa ka qeybgalay Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale ka qeybgalay Cabdikariim Sheekh Muuse “Qalbi Dhagax”.

Ammaanka magaalada Kismaayo ayaa si wayn loo adkeeyay iyadoo ciidamo ka tirsan hawlgalka Amisom ay amniga doorashada wax ka sugayeen.

SHARE