Baarlamaanka dalka Itoobiya ayaa go’aansaday inay xiriirka u jaraan hoggaanka maamulka Tigreega ee waqooyiga dalka Itoobiya kaddib markii maamulka ay ka dhego adeygeen Ra’iisul Wasaare Abiy oo ay qabteen doorasho loo arkay mid sharci- darro ah.
Go’aanka oo uu shaaciyay Aqalka Sare goor dambe oo talaadadii ah ayaa sii xumeynaya xiriirka u dhaxeeya Ra’iisulwasaare Abiy iyo jabhadda xoreynta Tigreega ama TPLF oo si weyn uga muuqatay siyaasadda Itoobiya ka hor intii uusan xukunka la wareegin Abiy sanadkii 2018. TPLF ayaa gacanta ku heysa maamulka tigrayna oo xad la leh Eritreeya.
Aqalka Sare ayaa qoraal ka soo baxay waxaa lagu sheegay in xiriirada laga jaranayo laamaha fulinta iyo sharci dajinta Gobolka Tigreyga laakiin dowladda Dhexe ay sii wadi doonto la shaqeynta hey’adaha Gobolka si loo sii wado adeegyada asaasiga ah.
TPLF ayaa sanadkii 1991 waxay xukunka ka tuurtay taliskii Dergiga ee Mingistu waxaana tan iyo 2018 ay si toos u maamulayeen guud ahaan dalka Itoobiya.