Baarlamaanka dowladda Israel, ayaa meel mariyay hindise-sharciyeed xaaladda magaalada barkaysan ee Qudus sii murjinaya.
Sharciga ay ansaxiyeen baarlamaanka Israel oo loo yaqaano (the Kneset) ayaa sharciga ay meel mariyeen maamulka Israel u ogolaanaya in dadka reer Falastiin laga raro magaalada barkaysan ee Qudus.
Wargayska Ha’aretz oo Israel ka soo baxa ayaa Ku waramay in 64 xildhibaan oo baarlamaanka Israel ka tirsan ay hindise sharciyeedka taageereen halka 52 xildhibaan ay diideen.
Israel ayaa si aan sharci ahayn Ku maamusha dhammaan magaalada Barkaysan Qudus ayadoo sheeganaysa la haanshaha dhammaan magaalada.
Sharciga caalamiga ayaa magaalada Qudus u kala aqoonsan labo qaybood, ayadoo dhanka galbeed magaalada la siiyay Israel halka dhanka barri ee magaalada ay leeyihiin Falastiiniinta.
Sharciga cusub ee la meel mariyay ayaa god kusii riday madaxbanaanida mustaqbalka dowlad ay Falastiiniintu ay leeyihiin.