Baarlamaanka dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa xasaanaddii ka qaaday xubno uu ku jiro madaxweynihii hore ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar , warkaas waxaa faafiyay barta Addis standard oo ka warranta arrimaha dalka Itoobiya.
Tillaabaadan ayaa timid iyada oo madaxweynihii hore ee dawlad deeganka Soomaalida uu ku jiro xabsi ku yaal Addis Ababa, isaga oo laga yaabo in uu wajaho maxkamadeyn la xiriirta rabshadihii ka dhacay ismaamulka Soomaalida iyo eedo kale oo la xiriira xadgudubyo dhacay intii uu xukunka hayay.
Baarlamaanka dawlad deegaanka ayaa waxa ay sidoo kale waxba kama jiraan ka dhigeen degemooyinkii uu sameeyay madaxweynihii hore Cabdi Maxamuud Cumar.
Xubno kale oo gaaraya lix aadna ugu dhawaa madaxweynihii hore ayaa iyaga laga qaaday xasanaaddii.Dhammaan xubnahaasi waxay sida ay baahisay barta Addis standard jagooyin sar sare ka hayeen maamulkii madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar.
Critical Update:The #Somali regional state parliament has today decided in a meeting in #Jigjiga to revoke the immunity from prosecution of the embattled ex president Abdi Iley. The ex president remains in custody after being recently transferred back to Jigjiga from #AddisAbeba pic.twitter.com/2WgejL3c5o
— Addis Standard (@addisstandard) August 26, 2018
Dhanka kale baarlamaanka dawlad deegaanka Soomaalida itoobiya ayaa maanta kalsoonidda siiyay madaxweynaha ku meel gaarka ah ee dhawaan la doortay.Musatfe Cumar madaxweynaha dawlad deegaanka ayaa maanta soo gaaray caasimadda ismaamulka Soomaalida Itoobiya halkaas oo aad loogu soo dhaweeyay.