Baarlamaanka Hirshabelle oo maanta dooranaya madaxwayne cusub

474

Doorashada madaxweynaha maamulka  Hirshabeelle, ayaa lagu wadaa in goor dhow ay ka bilaabato magaalada Jowhar.

Ammaanka xarunta doorashada iyo guud ahaan magaalada ayaa lagu soo waramayaa in  si aad ah loo adkeeyay, iyadoo ciidamada AMISOM, ciidamada Milateriga, Booliska iyo Nabadsugidda  ay si wadajir uga qeyb qaadanayaan sugida amniga, waxaana la xiray waddooyinka ku dhow dhow xarunta ay ka dhaceyso doorashada.

Qaar ka mid ah iskuullada waxbarashada magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeellaha Dhexe ayaa la sheegay in la fasaxay ardaydii dhiganaysay sababo la xiriira doorashada.

Wafdi ka socda dowladda Federaalka oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdi Faarax Juxa ayaa ku sugan magaalada Jowhar, kuwaas oo  indha-indhaynaya habka ay u dhici doonto doorashada

Hoos ka akhriso magacyada musharixiinta

1- Daahir Cabdulle Cawaale

2- C/raxmaan Xasan Caddow

3- Yuusuf Axmed Hagar

4- Maxamed Caruush Diirow

5- C/naasir Maxamed Shirwac

6- Cabdi Faarax Laqanyo,

7- Maxamed Cabdi Waare

8- C/kariin Cali Nuur

 

SHARE