Baarlamaanka Galmudug oo ansixiyay Golaha Wasiiradda ee dhawaan la magacaabay

632

Dhuusamareeb – Xildhibaannada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Galmudug ayaa maanta ansixiyay Golaha Wasiiradda cusub ee Galmudug oo uu dhawaan soo dhisay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).

Waxaa kulanka si rasmi u furay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal oo ay wehliyaan labadiisa ku xigeen. Xildhibaannadda markii ay cod gacan taag ah ku ansixiyeen wasiiradda ayaa isla xarunta Baarlamaanka lagu dhaariyay.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoorqoor) oo goobta ka hadlay ayaa la dardaray Golihiisa wasiiradda ee uu dhawaan soo magacaabay.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa dhawaan magacaabay 24 wasiir, ku xigeeno iyo wasiir dowlayaal.

Wasiirada la dhaariyay waxaa ka mid ah Axmed Macalin Fiqi oo ka mid noqday Golaha Wasiiradda isagoo noqoday wasiirka amniga gudaha Galmudug.

Axmed Cabdi Kaariye ( Qoorqoor) ayaa bishii Janaayo ee sanadkaan loo dooortay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug.