Muqdisho (UM) – Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo ah Isniin yeelanaya kalfadhiga 3-aad kulankiisa 1-aad.
kulanka ayaa looga doodi doonaa Wax ka badalka Xeer-hoosaadka Golaha iyo heshiiska Shirkadda DP World ee Dekeda Berbera. Sidoo kale waxa la filayaa in looga doodo inta uu socdo kal-fadhiga hindse sharciyeedyo ay ka mid yihiin dagaallanka masuqmaasuqa.
Kal-fadhiga 3-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxa sabtidii si rasmi ah u furay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.