Muqdisho: Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta meelmariyay Miisaaniyadda dowladda Federaalka ee 2021 kaddib dood dheer oo ay ka yeesheen.
Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa cod u qaaday Miisaaniyadda dowladda ee 2021 kaddib markii su’aallo ay badan ay ka weydiinyeen Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo uga jawaabay su’aalihii ay qabeen.
Wasiirka Maaliyadda Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa uga mahadcelinayay Xildhibaannada Baarlamaanka Golaha Shacabka ee maanta meel mariyay Miisaaniyadda Dowladda ee 2021-ka.
“Waxa aan halkaan uga mahadcelinayaa Baarlamaanka Golaha Shacabka JFS oo maanta meel mariyay Miisaaniyadda Dowladda ee 2021-ka”. Ayuu yiri Wasiir Beyle.
“Waxa aan sidoo kale u mahadcelinayaa masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda ee u soo dhabar adeegay shaqada iyo Isbadalka Maaliyadeed ee Dowladdu ku talaabsatay”. Ayuu ku daray Wasiirku.
Waxa aan halkaan uga mahadcelinayaa Baarlamaanka Golaha Shacabka JFS oo maanta meel mariyay Miisaaniyadda Dowladda 2021-ka.
Waxa aan sidoo kale u mahadcelinayaa masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda ee u soo dhabar adeegay shaqada & Isbadalka Maaliyadeed ee Dowladdu ku talaabsatay pic.twitter.com/TQJp5YJv2v— Dr Abdirahman Beileh (@DrBeileh) December 29, 2020
Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in Wasaaradda Maaliyadda ay ka go’an in ay xoojiso oo sii laba laabto dib-u-habeynta hannaanka Maaliyadda iyo kordhinta dakhliga gudaha.