Baarlamaanka Dowlad Deegaanka Soomaalida oo doortay Gudoomiye cusub

1044

Baarlamaanka dowlad deegaanka Soomaalida ayaa ansixiyey go’aanno masiiri ah oo la hadal hayey tan iyo markii la magacaabay madaxweynaha cusub, Mustafe Muxumad Cumar.

Baarlamaanka oo yeeshay fadhi aan caadi ahayn, ayaa waxay ku doorteen afhayeenka baarlamaanka oo loo doortay Cabdi Maxamed Aadan oo magac dheer Ugaas.

Cabdullaahi Siciid Cumar ayaa isna loo doortay guddoomiyaha maxkamadda guud.
Xubnaha baarlamaanka waxay in muddo ah ka doodeen wax ka beddelka heesta calanka iyo maalinta fasaxa, waxayna ugu dambayntii ku heshiiyeen in arrimahaas loo saaro guddi ka soo talo bixiya waxa laga yeelayo.

Xildhibanaada baarlamaanka waxay isku raaceen in magaca dawlad deegaanka uu noqdo Dawlad-deegaanka Soomaalida, lagana saaro Itoobiya.

Sidoo kale waxa ay isku raaceen calanka dawlad-deegaanka oo noqonaya mid xagga dambe ku leh xiddigta cad ee shanta gees leh ee ku dhex jirta midabka buluugga ah.
Calankan ayaa ahaa kii laga isticmaali jiray dawlad deegaanka, waxaase beddelay madaxweynihii hore, Cabdi Maxamuud Cumar.

Sidoo kale waxaa magaca Itoobiya laga reebay xisbiga maamula dowlad deegaanka oo hadda ka dib loogu yeeri doono Xisbiga Dimoqaraadiga Shacabka Soomaalida.
Qorshayaashan ayaa la hadal hayey tan iyo markii uu hogaanka qabtay Mustafe Maxamed Cumar.