Baarlamaanka cusub ee Galmudug oo doortay Guddoomiye iyo labadiisa ku xigeen

92

Dhuusamareeb – Xildhibaannadda Baarlamaanka 2aad ee dowlad Goboleedka Galmudug ayaa maanta doorasho ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ku doortay Guddoomiye iyo labadiisa ku xigeen.

Baarlamaanka 2aad ee Galmudug ayaa Dr. Maxamed Nuur Gacal u doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ee 4 sano ee soo socota. Waxa uu ku guulaystay cod dhan 54, sida ay ku dhawaaqeen Guddiga doorashada Galmudug.
Cabdinaasir Aadan Cismaan oo si dhaw u la tartamayay Dr. Gacal ayaa isna helay 34 cod, doorashada ayaa wareegii kowaad lagu kala baxay iyadoo musharaxa laga guulaystay uu aqbalay natiijada.

Waxaa sidoo kale Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Galmudug loo doortay Cabdullahi Xirsi Maxamed iyadoo Faadumo Cabdi Cali loo doortay ku Guddoomiye xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Galmudug.

Doorashada Madaxweynaha Galmudug ayaa la filayaa in ay dhacdo isla toddobaadkaan iyadoo musharaxiin dowladda iyo mucaaradka kala taageersan yihiin ay ku loolami doonaan.

SHARE