Baarlamaanka Ciraaq oo shaqada ka eryay Barasaabka Gobolka Nineveh

778
Doonta ku quustay webiga ku dhaw magaalada Mosol ee dalka Ciraaq waxa ku dhintay ugu yaraan 100 ruux. Reuters

Baarlamaanka dalka Ciraaq ayaa shaqada ka eryay barasaabka gobolka Waqooyi ee Nineveh halkaasi oo ay in ka badan 100 qof ku dhinteen markii dooni siday ay la gudoontay saddex maalin ka hor, taasi oo sababtay murugo iyo carro dadka deeganka ah. Waxaa la’yahay 63 qof.

Inta badan dad ku qaraqmay wabiga Tigris ee u dhaw magaalada Mosul  waxa ay ahaayeen haween iyo carruur u dabaaldegayay fasaxa loo yaqaano Nowruz khamiistii.

Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq Adel Abdul Mahdi ayaa Sabtidii ugu baaqay Baarlamaanka in ay shaqada ka eryaan guddoomiyaha gobolka lagu magacaabo Nineveh, Nawfel Akoub, isagoo soo xiganaya “dayaacad iyo wax ka qabasha la’aan inuu sameeyay”.

Waxaa sidoo kale shaqada laga eryay labadiisa ku xigeen intii ay socotay codeyntii Baarlamaanka.

Baarlamaanka ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in dadkii ku dhintay musiibada ay yihiin “shuhadaa”, waxa ayna qoysaskoodii u ogolaadeen in la siiyo lacag magdhaw ah.

Ugu yaraan 16 ruux ayaa loo xiray dhacdada doonta quustay sida ay sheegeen saraakiisha amniga.