Baarlamaanka dalka Ciraaq ayaa Guddoomiye baarlamaan doortay, taasi oo wadda u xaaraysa in la soo dhiso dowlad cusub kaddib bilooyin hubanti la’aan oo daba socotay doorasho aan loo dhamayn.
Mohammed al-Halbousi, oo ah siyaasi Sunni ah ahayna guddoomiyaha gobolka Anbar, ku guulaystay 169 cod codeyntii shalay oo sabti ah dhacday.
37 jirkaan, ayaa noqon doono gudoomiyaha igu da’da yaraa ee taariikhda baarlamaanka Ciraq.
Doorashadan ayaa timid kaddib dhawr jeer oo ay xubnaha baarlamaanka kulamada ay yeesheen ay ku guul daraysteen in ay doortaan Guddoomiyaha iyo labadiisa ku xigeen, oo go’aan laga gaari wayay sidda loo qeybsanayo.
Sida caadada ah, Guddoomiyaha baarlamaanka Ciraaq waxaa qaata Sunni, Ra’iisul Wasaarahana waxaa qaata Shiicada halka Madaxweynaha ay qaataan Kurdida.
Waxaa la filayaa in wax badan iska beddelaan siyaasada dalka Ciraaq oo dhawrkii bilood ee ugu dambeeyay aan deganayn.