Baarlamaanka Carabta oo war ka soo saaray kiiska badda ee Soomaaliya iyo Kenya

766

Baarlamaanka Carabta ayaa ugu baaqay dowladda Kenya in ay  faraha kala baxdo biyaha Carbeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Hindise arrintan ku saabsan oo la horgeeyay Baarlamaanka Carabta ayaa u qornaa sidan;

Baarlamaanka Carbeed waxa uu taageerayaa Jamhuuriyadda Soomaaliya si loo dhowro midnimadeeda, nabadgelyadeeda, deganaanshaheeda, bedqabka dhulkeeda, xorriyadeeda, milgaheeda, beri, bad iyo cir , waxa uu ugu baaqayaa Kenya in ay faraha kala baxdo biyo goboleedka Jamhuuriyadda Soomaaliya, oo ah qeyb aan ka go’ayn biyaha carbeed oo lama taabtaan ah, waxa uu ku gacan seyrayaa sheegashada beenta ah ee ah calaamadeyn cusub oo raad lahayn, xaqiiqdana ka fog.

sidoo kale waxa uu ganafka ku dhufanayaa hanjabaadda faragelin ee Kenya ee arrimaha gudaha Soomaaliya iyo ku tumashadeeda mabaa’diida deris wanaagga iyo heshiisyada caalamiga.

Baarlamaanka Carbeed waxa uu ugu baaqayaa wadamada Carbeed ee xushmadda mudan in ay garab istaagaan Jamhuuriyadda Soomaaliya oo tallaabooyin wanaagsan u qaadaysa dhinacyada ammaanka, deganaanshaha iyo ka takhalusidda argagaxisada iyo waxyaabaha ka hor’imaanaya xuquuqul insaanka.

No photo description available.

Xigasho: Wasaaradda Arrimaha Dibadda (MOFA)