Baarlamaanka Britian oo hakad galinaya inay cod kama dambays ah u qaadaan ka bixitaanka UK ee Midowga Yurub

607

Baarlamaanka dalka Ingiriiska ayaa dooddii ugu dambaysay ka leh arinta la xiriirta ka bixitaanka UK ee midowga Yurub, taasi oo dadka reer Britain ay afti dadwayne Ku go’aansadeen mustaqbalkooda midowga Yurub.

Wasiirka UK u qaabilsan ka bixitaanka midowga Yurub David Davis, ayaa Baarlamaanka uga warbixiyay halka ay marayso Arrimaha ka bixitaanka.

Baarlamaanka UK ayaa go’aan rasmi ah ka gaaraya haatan arimahaasi ka dib marka ay dhameeyaan dooddooda Ku aadan arintaasi.

BBC-da ayaa ku warantay in Baarlamaanku uu hakad galinayo inay cod kama dambays ah u qaadaan arintan.

UK, ayaa si rasmi ah uga bixi doonta midowga Yurub sanadka 2020 ka.

Dowladda ay hogaamiso haweenayda lagu magacaabo Teresa May, ayaa dadaal ugu jirta ka dhabaynta ka bixitaanka UK ee Yurub.

Waxaa ay wajahaysaa eedaymo fara badan oo uga imaanaya xisbiga Mucaaradka ayagoo ku eedaynaya inay Ku fashilantay dowladdu ka bixitaanka Midowga Yurub.

Mss. May, ayaa waysay xubno muhiim u ahaa mowduuca taagan ee Brixit, ka dib markii ay is casishay xoghayihii gargaarka Caalamiga ah ee Xukuumadda UK.

Priti Patel, ayaa is casishay ka dib markii shirar qarsoodi ah ay la gashay mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda Israel.

SHARE