Baarlamaanka Britain oo maanta cod u qaadaya heshiiska ka bixitaanka Midowga Yurub

655

Xildhibaanada Baarlamaanka dalka UK ayaa isku diyaarinaya in ay cod u qaadaan maanta qorshaha heshiiska Ra’iisul Wasaare Theresa May ee Britain Midowga Yurub uga baxayso.

Cod u qaadistaan oo loogu yeero “codeyn macne leh” ayaa dhacaysa kadib markii shan maalmood oo dood ah oo ku saabsan ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub ay soo dhammaatay.

Mrs May ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta inay taageeraan heshiiskeeda si aysan dadka reer Britain u niyad jabin ama hoos ugu dhigin”.

Laakiin iyada oo qaar badan oo ka mida xubnaha baarlamanka ee xisbigeeda ka tirsan la filayo in ay ku biiraan xisbiyada mucaaradka ah si ay uga codeeyaan heshiiska, ayaa la filayaa in laga adkaado heshiiskeeda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadal ka jeedisay Baarlamaanka isniintii, isku daygeydii ugu dambeeyay ee ay taageero ugu raadinayso heshiiskeeda- kaasi oo ay ku jiraan labadaba heshiiska ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub iyo ku dhawaaqista siyaasadeed ee xiriirka mustaqbalka.

Britain ayaa la qorsheeyay in ay Midowga Yurub ka baxdo bisha Maarso ee sanadkaan 2019-ka.