Baarlamaanka Arjantiina oo diiday hindise sharciyeedka ilmo ridista

864

Golaha aqalka sare ee baarlamaanka dalka Arjantiina ayaa diiday hindise sharciyeed loo soo gudbiyay kaas oo lagu doonayay in la sharciyeeyo in hooyado ilmaha iska soo ridi karto.

Hindise sharciyeedkaan ayaa aad looga dooday waxaana xildhibanaada ay ku kala qaybsameen  sharciyeeyntiisa.

Dood dheer oo qaadatay 16 saac kaddib waxay baarlamaanku isku raaceen in aan la meel marin hindise sharciyeedkaan.

Dalka Arjantiina oo  ay u badan yihiin dadka heysta madhabta katooliga ayaa aad uga soo horjeeda in caruurta aan dhallan la soo ridi karo.Marka kaliya ee la ogolyahay ayaa ah marka hooyada la kufsado ama markii nafteeda ay khatar gasho oo la badbaadinayo.

Labadii dhinac ee u kala ololeynayay diidmada iyo meel marinta sharcigaan ayaa bannaankadhismaha aqalka sare ku qabsaday bannaan bax.Kooxdii diidaneyd ayaa aad usoo dhaweysay, halka kuwii ololaha ugu jirayna ay niyad jab ka muujiyeen iyaga oo ballanqaaday in aysan joojin doonin dadaalka loogu jiro in la sharciyeeyo in ilmaha la iska ridi karo oo ay tahay mid ku xiran qofka iyo dooqiisa.