Booliiska dalka Malaysia ayaa la sheegay in ay qabteen boqollaal kaartoon oo ay ka buuxaan waxyaabo qaali ah iyo boorsooyinka ay ka buuxaan lacago qalaad kuwaas oo laga helay guri lala xiriiriyay inuu leeyahay ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaas Najib Razaq.
Aarintani ayaa ka dambeysay kadib markii Baaritaanno lagu sameeyay dhismeyaasha ku yaalla magaalada caasimada ah ee Kuala Lumpur, kuwaasi oo lala xiriiriyay baaritaanno lagu hayo dhaqaalaha mashruuca horumarinta ee 1MDB, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka dalkaasi.
Eedaymaha musuqmaasuqa ee loo soo jeediyay mashruuca 1MDB ayaa qayb wayn ka ahaa waxyihaabihii guul darrada u horseeday Najiib, taasi oo keentay inuu xilka Ku guulaysto ra’iisul Wasaare Mahathir Maxamed oo 92 sano jir ah.
Wararka qaar ayaa sheegayaa in ay jiraan Balaayiin Doolar oo aan la xisaab xirin oo qayb ka ahaa mashruucan uu Najiib sameeyay, waxaana raiisul wasaarihii hore ee Dalkaasi Najib Razak laftirkiisa lagu eedeeyay in uu qaatay $700M oo doolar,inkastoo uu eedaasi iska fogeeyey.
Madaxda Dawladda Malaysia ayaa sheegay in uusan wax gaf ah samaynin, ayadoo sidoo kale la sheegay in dhawr dowladood oo kale ay bilaabeen baaritaan ka dhan ah mr Najiib Rasaaq.
Mahathir Maxamed oo ah ra’iisul wasaaraha cusub ee wadankaasi ayaa sheegay in uu ka baaraan dagayo in uu dib u furo dacwaddaas, wuxuuna rumaysan yahay in dib loo heli karo lacagta la lunsaday.
Najiib Rasaaq, ra’iisul wasaarihii hore waxaa dowladda cusub tallaabadii ugu horaysay ay qaaday ahayd in laga mamnuucay ka bixitaanka dalka ilaa iyo inta laga sal gaarayo eedaymaha lacag lunsashada ah ee uu wajahayo.
Hawgallada Booliiska dalka Malaysia ay ka sameeyeen xafiiska ra’iisul wasaarihii hore Najiib, guriga uu dagan yahay ee khaaska ah iyo dhismeyaasha kale ee lala xiriiriyay oo ku yaalla bartamaha magaalada ayaa socday maalmihii la soo dhaafay iyadoo warbaahinta ay sidoo kale qayb wayn ka ciyaartay baaritaanka maadaama so toos ah iyo si aan toos ahayn looga tabinayay warbaahinta Maxaliga ah .
Waxaa wararku ay intaasi ku darayaan in Askarta ay baartay 72 boorso oo laga helay lacago kala duwan oo ay ka mid yihiin midda Ringgit oo ah lacagta dalka Malaysia, Doolar iyo waliba Dahab iyo Saacado.