
Baarayaashada caalamiga ah ee hubka kiimikada ayaa loo ogolaan doonaa in ay booqdaan goobta la sheegay inuu ka dhacay weerar hubka kiimikada ah ee dalka Suuriya, sida ay sheegtay dowladda Ruushka.
Kooxda Khubarada caalamiga ah ayaa ku sugnaa Suuriya tan iyo sabtii la soo dhaafay, balse looma ogolaan in ay booqdaan magaalada Duuma oo la sheegay in uu ka dhacay weerarka sunta hubka kiimikada.
Weerarkaan oo dhacay 7-dii bishaan Abriil ayaa waxa uu sababay in toddobaad kaddib Mareykanka, Britain iyo Faransiiska duqeyn cirka ah ay ku qaadaan bartilmaameedyo dowladda Suuriya ay leedahay oo ku yaalla Caasimadda Dimishiiq.
Suuriya iyo xullafadeed Ruushka ayaa beeniyay in wax hub kiimika ah uu dhacay ama la adeegsaday – Ruushka ayaa ugu yeertay eedeynta hubka kiimikada ” waxyaabo la xardhay ama la dhoodhoobay”.
Warbaahinta dowladda Suuriya ayaa sheegtay in ciidamda cirka Suuriya ay ka hortageen weerar gantaal oo lagu soo riday galbeedka magaalada Duuma.
Gantaalladan ayaa la sheegay in lagu bartilmaameedsaday saldhig militari oo lagu magacaabo Shayraad oo ay leeyihiin ciidamada Cirka Suuriya, balse lama sheegin cidda ka dambasay weerarka.
Ururka Xizbollah ee dalka Iran ka dagaalama, ayaa sheegay in ciidamada cirka Suuriya ay ka hortageen saddex gantaal loo lagu soo riday saldhiga cirka ah oo ku yaalla magaalada Duuma ee waqooyi-bari ee caasimada Dimishiiq.
Afhayeen u hadlay waaxda gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon ayaa u sheegay wakaallada wararka Reuters in aysan jirin wax hawlgal military ah oo Mareykanku waqtigaasi ka fuliyay goobtaasi.