Dalka Kenya waxaa wali ka socda raadinta dadka lagu la’yahay musiibadii ka dhalatay Daadad xoogan oo ku dhuftay gobalka Rift Vally ee dalkaasi Kenya, taasi oo timid ka dib burburkii biyo xireen dowladda ay sheegtay in qaab sharci daro ah loo dhisay.
Inta la hubo ku dhowaad 50 qof ayaa ku dhintay musiibadaasi, ayadoo xaafado idil ay biyuhu qaadeen, sida ay ku waramayaan saraakiisha gurmurdka deg deg ah ee dalkaasi Kenya.
Waxaa illaa iyo hadda nolol iyo geeri lagu raadinaya dad ka badan 40 qof, hase ahaatee qaar ka mid ah dadka deegaanka musiibadu ay ka dhacday ay Muuq-baahiyaha Aljazeera u sheegeen in ay been tahay in 40 qof oo kali ah la la’yahay.
Mid ka mid ah dadka Deegaanka waxaa uu sheegayaa in dadka maqan oo ay garanayaan oo kali ah tiradoodu ay ka badan tahay 200 oo qof.