Axmed Madoobe oo Nairobi kula kulmay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

90

Nairobi – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya kulan kula yeeshay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto.

Kulanka dhexmaray Axmed Madoobe iyo Safiirka Mareykanka ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin, Siyaasada, amniga, xiriirka dowlad Goboleedyada dalka iyo dowladda Federaalka Soomaaliya, mashaariicda horumarineed ee ay Hey’adda horumarinta dowladda Maraykanka u qaabilsan ee (USAID) Soomaaliya agaar ahaan deegaanada Jubbaland.

Xaalada siyaasada ee dalka ayay madaxweynaha isla qireen madaxweyne Jubbaland iyo Safiirka Mareykanka muhiimada ay leedahay wada shaqeynta Dowlada federaalka iyo Dowlad goboleedyada si caqabadaha kala duwan ee dalku ku jira si wadajir ah loogu wajaho xalna looga gaaro.

Madaxweyne Madoobe ayaa Maraykanka ugu mahadceliyey Hey’adda (USAID) ee Mareykanka taas mashaariic hormarineed ah ka fulisay deegaanada Jubbaland.

Magaalada Nairobi ayaa waxaa sidoo kale ku sugan Madaxweyneyaasha Puntland iyo Koonfur Galbeed iyadoo la filayo in ay kulan la qaatan safiirka Mareykanka iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan saafarada Mareykanka ee Kenya.

SHARE