Axmed Madoobe oo loo doortay Madaxweynaha Jubbaland

72

Kismaayo – Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” ayaa Xildhibaannadda Baarlamaanka Jubbaland maanta u dooteen Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland ee 4 sanno ee soo socota.

Axmed Madobe oo laba musharax oo midi haweeney tahay ayaa ku guulaystay doorashada isagoo helay 56 cod, halka Canab Daahir oo ka mid ahayd labo oo ahayd musharaxa labaad ee ugu cadcad au heshay 17 cod.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam oo markii uu guulaystay xilka isla goobta loogu dhaariyay ayaa hadal kooban ka jeediyay goobta doorashada iyagoo u mahadceliyay Xildhibaannadii codka siiyay.

Dhankale, Musharaxiinta mucaaradka Jubbaland ayaa ku dhawaaqay dhankooda in doorasho ka dhacday magaalada Kismayo ay madaxweynaha Jubbaland u doorteen Cabdirashiid Maxamed Xidig.

Siyaasiyiin caan ah oo ka mid yahay madaxweyne hore Soomaaliyaa Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya ayaa Hambalyo iyo boggaadin u diray Madaxweynaha cusub ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Dowladda Federaalka Soomaaliya horey u sheegtay in aysan aqoonsan doonin natiijada kasta doorashada Jubbaland ka soo baxda ayaan wali wax war ah ka soo saarin doorashada maanta Kismayo ka dhacday.

Sidoo kale beesha caalamka oo horey walaac uga muujisay hannaanka doorashooyinka Jubbaland ayaa iyana wali wax war ah ka soo saarin.

SHARE