Axmed Madoobe oo la kulmay Safiirka Qatar ee Soomaaliya

154

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ” Axmed Madoobe” ayaa maanta la kulmay Safiirka dalka Qatar ee Soomaaliya Xasan Xamza Asad.

Safiirka iyo Wafdiga uu hogaaminayo oo magaalada Kismaayo gaaray si uu xarigga uga jaro mashaariic Dowlada Qatar ay ka fulisay Jubbaland ayaa waxaa ka mid ah Masuuliyiin sidoo kale kasocda Hey’ada gargaarka dalka Qatar iyo xubno kale.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa igu mahad celiyay safiirka Qatar Adeegyada hormarineed ee Qatar ay ka fulisay Jubbaland iyadoo la isku raacay in la dardar galiyo Mashruucyada dhiman ee mustaqbalka dhow waxaana ugu muhiimsan Adeegyada Caafimaadka Waxbarashada Beeraha iyo garoomada Diyaaradaha. Kulanka ayaa ka dhacay madaxtooyadda Jubaland.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa toddobaadkii hore ku dhawaaqday in Madaxweynaha Jubaland ay u aqoonsatay inuu yahay Madaxweyne Maamulka Jubbaland muddo 2 sano ah.

SHARE