Kismaayo – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” ayaa maagalada Kismaayo kula kulmay Guddiga KMG ee diyaarinta xeerka Doorashooyinka Qaran.
kulan ay yeesheen Guddiga doorashooyinka Madaxweynaha Jubbaland ayaa looga hadlay shaqada gudigan iyo waxyaabahii uga qabsoomay howlaha shaqo ee ay Jubbaland u yimaadeen.
Guddigan ayaa sidoo kale la kulmay Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland Golaha Wasiirada iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada waxaana kulankii ugu danbeeyay uu yahay midka ay maanta la qaateen Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.
Guddiga Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee diyaarinya xeerka doorashooyinka Qaranka ayaa toddobaadkaan gaaray magaalada Kismaayo si ay xog waraysi iyo kulamo ku saabsan arrimaha doorashooyinka Qaranka ula yeesheen Baarlamaanka iyo madaxda Jubbaland.