Kismaayo – Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe ” ayaa markii labaad ku guulaystay Doorashada madaxtinimada Dowlad Goboleedka Jubbaland ee 4 sano ee soo socota.
Axmed Madoobe ayaa helay 56 cod halka musharaxa ku xigay oo ahayd Canab Maxamed Daahir ay heshay 17 cod, Maxamed Muxumed isaguna uu helay 1 cod.
Gudoomiyaha Maxkamada Sare Sheekh Cabdi shakuur ee Jubbaland ayaa Madaxweyne Madoobe xilka dhaariyay wax yar kaddib markii lagu dhawaaqay natiijada doorashada.
Siyaasiyiin caan ah oo ka mid yahay madaxweyne hore Soomaaliyaa Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya ayaa Hambalyo iyo boggaadin u diray Madaxweynaha cusub ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.
Dowladda Federaalka Soomaaliya horey u sheegtay in aysan aqoonsan doonin natiijada doorashada Jubbaland ayaan wali wax war ah ka soo saarin doorashada maanta Kismayo ka dhacday.