Axmed Madoobe oo Kismayo kula kulmay wakiilka QM ee Soomaaliya

676

Kismaayo – Wakiilka gaarka ah ee Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan Xubno ka socday Midowga Yurub Midowga Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD ayaa magaalada Kismaayo ee xarunta dowlad Goboleedka Jubbaland kula kulmay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimo Doorashooyinka 2020, khilaafka Dowlada Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah iyo deyn cafinta ee Soomaaliya, Dhammaystirka Dastuurka qabyada ah iyo arrimaha xuquuqda Aadanaha.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ka hadlay de cafinta, waxaana uu sheegay in ay ahmiyad weyn u leedahay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ayna ka shaqaynayaan sidii arrintaas ay miro dhal u noqon lahayd balse ay lagama maarman tahay in shacabka Soomaaliyeed ay ogaadan qaabka deynta looga cafinayo dalka iyo waddooyinka loo marayo.

Madaxweyne Madoobe ayaa sido kale sheegay in dhamaystirma Dastuurka in ay Dowlada Federaalku ka gaabisay in la dhamaystiro taas oo ay ka dhasheen khilaafyo ay ahayd in lagu dhex xaliyo dastuurka.

Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan ayaa dhankiisa sheegay in ay ka wadahadleen Madaxweynaha Jubbaland arrimaha Doorashooyinka 2020, amniga iyo xuquuqda Aadanaha.

James Swan ayaa ku bogaadiyay maamulka Jubbaland sida nabadgalyada leh ee ay wax u socdaan isagoo sheegay in ay tahay wax lagu faano in wixii ka danbeeyay Doorashadii Madaxweynaha sida ayna u dhicin waxyaabo nabadgalyada wiiqi karay.