Axmed Madoobe oo Kismaayo dib ugu laabtay

560

Kismaayo – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo ay wehelinayaan Xildhibaan Cabdirashiid Xidig iyo Sheekh Daahir oo ka mid ah xubnaha isbadal doonka Jubbaland ee dhawaan heshiiska la gaaray Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa dib ugu soo laabtay magaalada kismaayo.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo warbahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha Kismaayo ayaa ka hadlay heshiiskii dhawaan magaalada Nairobi ku dhexmaray isaga iyo xubnaha mucaaradka la baxay golaha isbedel doonka Jubbaland.

Axmed ayaa ku tilmaamay heshiiskaas mid wanaagsan oo ay wada gaareen xubnaha golaha isbadal doonka iyo Xukuumada Jubbaland. waxaa uu sheegay in danta shacabka ay ku jirto heshiiskaas oo aan shaqsi loo danaynin balse shacabka loo turay.

Waxa uu intaas ku daray in shacabka Jubbaland ay wadajir iyo Midnimo ku gaari karaan Hormar guud taas oo ay qayb ka tahay in wixii lagu kala aragti duwanaado wada hadal lagu xaliyo.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in heshiiskaas uu u dhexeeyay Dowlada Jubbaland iyo xubnahii mucaaradka ee ka horyimid Doorashadii Sanadkii hore ayna hadda diyaar ay u yihiin in wixii dhiman la dhamaystiro isla markana laga shaqeeyo sidii shacabka Jubbaland ay dantoodu u noqon lahayd mid laga wada shaqeeyo.

Waxaa toddobaadkii hore magaalada Nairobi ee dalka Kenya heshiis kula saxiixday xubnaha Golaha Isbeddel doonka Jubbaland iyo Madaxweyne Axmed Madoobe kaddib markii ay sheegeen in is afgarad laga gaaray kal aragti duwanaantii u dhexeysay iyaga iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.