
Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay dooneyso “inay burburiso Maamul Goboleedyada” isla markaasna ay isku dayday inay faragelin ku sameyso doorashadii ka dhacday maamulkaas.
“Waxaan ku doodnay, war qodob kasta oo aan isku qabanno dastuurka aan dib ugu noqonno” ayuu yiri Axmed Madoobe.
Waxaa uu sheegay in wasiirkii amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan la xiray isagoo shaqo ku jiro.
“Waa wasiir xasaanad leh oo la yiri, dambi ayaa laguugu waayay….waa ceeb; ma dowladnimadii Soomaaliya waxay gaartay in noocaasi loo dhaqmo?”
“Waxaan oran karaa, wasiir Cabdirashiid dambi uu leeyahay kuma xirnee,waxaa uu ku xiran yahay Jubbaland kaalay nala burburi, isaguna waxaa uu yiri, ‘waan dhisay; waxaan dhisay ma burburin karo'”
Axmed Madoobe ayaa sheegay in tallaabooyinka ay waddo Dowladda Dhexe ay “dalka dib ugu celin doonaan dagaallo sokeeye”.
Waxaa uu sidoo kale xayiraadda lagu soo rogay diyaaradihii tooska u tegi jiray Kismaayo ay dhibaato ku reebeen shacabka.
Madaxweyne Axmed Maxamad Islaam (Axmed Madoobe) ayaa hadalladan maanta ka sheegay magaalada Kismaayo kadib shir ay yeesheen golihiisa wasiirada , wuxuu si kulul u weerarray madaxda sare ee Dawladda Federaalka isagoo ku eedeeyay inay cunaqabatayn ku soo rogeen Jubbaland.
“Waayo cidda la cunaqabateynayo, maanta hadda aniga doono meel alaale iyo meeshan doono ayaan u safri karaa…haddey, beri igu dhalato waan safri karaa” ayuu yiri madaxweynaha Jubbaland.
Xigasho: BBC Somali
























