Axmed Madoobe oo ka hadlay arrimaha Doorashooyinka iyo Khilaafka G/ Gedo

520

Kismaayo: Madxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo maanta dib ugu laabtay magaalada Kismayo ee xarunta dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa ka hadlay arrimaha Doorashooyinka Federaalka iyo arrinta khilaaf Gobolka Gedo.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sbeegay in sidda hadda xaaladu ay tahay aysan doorasho ku dhici karin loona baahan yahay doorasho heshiis lagu yahay.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in dowladda Federaalka sida ay hadda wax ku waddo aysan doorasho ku dhici karin, ayna muhiim tahay in ay ilaaliso lana raaco habraacyadii Doorashooyinka ee ay horrey ugu heshiiyeen Madaxda dowladda Federaalka iyo dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

“Doorasho kuma dhaceyso sida ay maanta tahay iyo nuuca afduubka yahay ” ayuu yiri Axmed Madoobe, isaga oo intaasi ku daray “doorashada aan qabanayo waa in ay tahay mid lagu heshiiyay….. waa sax doorasho waa in ay ku dhacdaa waqtigii lagu heshiiyay”.

” Waa tee Jubbaland-ta anna anaga maamuleyn, xagee u socotaa” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Madoobe oo ka hadlayay Khilaafka Gobolka Gedo iyo maamulku dowladda Federaalka ay halkaas geysay.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sidoo kale ka hadlay arrinta ka taagan Gobolla Gedo taasi oo uu sheegay in dowladda Federaalka ay marba maamul ka madaxbannaan Jubbaland ay u magacaabayso. Waxaa uu sheegay in Jubbaland aysan doorasho ka dhacayn ama laga qaban karin inta dowladda Federaalka ay ciidanka iyo maamulka ay u magacoowdo Gobolka Gedo ay ka soo saarayso.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sidoo kale sheegay in ay muhiim tahay in la dhagaysto ama la tixgeliyo walaaca ay musharraxiinta dhawaan Muqdisho mi shiray ka muujiyeeen habraaca Doorashooyinka dalka iyo qaabka ay u socdaan.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe waxa uu sheegay in Jubbaland aysan soo magacaabi doono Guddiga heer dowlad goboleed ee laga sugayo ilaa khilaaf Guddiyada xal laga gaaro, sidoo kalena ay Jubbaland diyaar u tahay in ay beddesho xubnaha Guddiyada uga jira Guddiyada doorashooyinka ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.