Axmed Madoobe oo gaaray Garowe

831

Muqdisho – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa gaaray magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka magagaalada Garowe.

Waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Dani Madaxweyne ku xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Gudoonka Baarlamaanka iyo dadweyne kala duwan.

Safarka Axmed Madoobe ee Garoowe ayaa la sheegay in uu la xiriir caasuuumaad uu ka helay Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni si ay uga shiraan heshiiska dhawaan ka soo baxay shirkii lagu soo gabagabeeyay magaalada Dhuusamareeb ee Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Gobolka Banaadir.

Jubbaland iyo Puntland ayaa horey u qaadacay heshiiska shirkii Dhuusamareeb iyagoon labaduba aan ka qeybgalinin.