Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray dalka Sweden.
Wafdiga Axmed Madoobe ayaa Gaar ahaan ka dagay magaalada Stockholm, ee dalkaasi Sweden.
Garoonka diyaaradaha waxaa madaxweynaha ku soo dhaweeyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Sweden, dhawaan waxaa uu kulamo la qaadan doona Jaaliyadda Jubbaland ee Sweden.
Dalka Sweden, oo ka mid ah dalalka la isku yirahdo Scandinavian-ka waxaa Ku nool jaaliyad Soomaaliyeed oo ka soo kala jeeda qaybaha kala duwan ee Soomaaliya.