Axmed Cawad oo laga qaaday xilkii Wasiirka arrimaha dibadda

746

Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilkii ka qaaday Wasiirkii arrimaha dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad. Xilka qaadista Wasiirka Arrimaha dibadda ayaa timid 24 saac kaddib markii Wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ay barteeda rasmigq ah ee Twitter-ka ku daabacday qoraal ka hadlayay xaaladada qalalaasaha siyaasadeed ee ka taagan dalka Itoobiya.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Wasiirka Arrimaha dibadda u magacaabay,Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abubakar.

 

Sidoo kale Madaxweyne  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Axmed Ciise Cawad u magacaabay xil safiirno, inkasta oo aan la shaacinin dalka loo magacaabay.

Wasiirkii hore arrimaha dibadda Axmed ayaa qoraal uu soo dhigah bartiisa Twitter-ka waxa uu ku sheegay inuusan hadda diyaar u ahayn inuu xil qabto mid Safiirnimo iyo mid kale toonna.

https://twitter.com/MinisterMOFA/status/1329495215913185289?s=19

Ilo ku dhaw Madaxtooyada Soomaaliya ayaa u sheegay UM in Axmed Cawad uu sababsaday waraaqdii Wasaaradda arrimaha dibedda ee ku saabsanayd xaalada dagaalka ka taaga  dalka Itoobiya.