Ra`iisul wasaaraha dalka Australia Scot Morrison ayaa sheegay in dalkiisu uu ka fakarayo sidii uu ugu aqoonsan lahaa Quddus caasimadda Israel , isla markaana caasaimadda Australia laga soo rari lahaa magaalda Talabib.
Qorshahaan cusub ee Australia ayaa u muuqanaya in uu daba socdo isbadal ku yimid siyaasadda arrimaha dibadda Maraykanka taas oo horseeday in Maraykanku safaaradiisa u raro Quddus. Australia Ayaa sheegtay in ay wali taageersantahay aragtida labo dawladood oo la iska dhinac dhiso si loo dhammeeyo khilaafka Israaiil iyo Falastiin.
Siyaasiyiinta muacaaradka Austraila ayaa sheegay tallaabadan ay tahay dhagar uu ku doonayo Scot Morrison codad uu ka helo doorashada soo socota.
Dalal dhawr ah oo Maraykanku hormuud u yahay ayaa Quddus u aqoonsaday caasimadda dalka Isra`iil wallow taas ay caro farabadan ka dhalisay caalamka Islaamka.