Augustine Mahiga oo geeriyooday

681
Augustine Mahiga wakiilkii hore ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo ku geeriyooday Tanzania. Sawirka: UN

Augustine Mahiga wakiilkii hore ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ku geeriyooday magaalada Dodoma ee caasimadda dalka Tanzania.

Mr Mahiga ayaa la sheegay in xanuun yar qabtay isagoo gurigiisa ku sugan, sida qoraal uu soo saaray ku xaqiijiyay Madaxweynaha Tanzania
John Magufuli.

Mahiga ayaa hadda ahaa Wasiirka Caddaalada iyo Dastuurka ee Tanzania. Waxaa uu ahaa 74 jir.

Mahiga ayaa ahaa diblomaasi rug caadaa ah isagoo horey u soo noqday ku xigeenka madaxa Hey’adda sirdoonka ka hore inta uusan noqon wakiilka joogtada ah ee Qaramada Midoobay ee Tanzania.

Waxaa uu soo noqday sidoo kale wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya intii u dhaxeysay sanadihii 2010 ilaa 2013-kii.

Ambassador Mahiga ayaa aad loogu xasuustaa kaalintii uu ku lahaa heshiiskii Kampala Accord ee sanadkii 2011-kii ama heshiiskii Kampala ee lagu soo afjaray khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeyay Madaxweynihii dowladdii Ku meel gaar ahayd ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed iyo Ra’iisul Wasaarihii xiligaas Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo isla sanakaas 2011 iska casilay xilka Ra’iisul Wasaaranimada.