Askar iyo Taliyeyaal loo xiray weerarkii Senator Cabdi Qaybdiid

1693

Muqdisho (UM) – Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo loo xil saaray baaritaanka weerarkii lagu qaaday maanta Hoyga Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa xabsiga u taxaabay ilaa iyo 40-Askari oo ka dambeeyey weerarkii lagu qaaday Guriga Senator Cabdi Qeybdiid sidda ay tabisay Wakaaladda wararaka dowladda ee SONNA.

Duhurnimadii maanta ayaa ciidamo la sheegay in ay ka tirsan Ciidamada dowladda oo Imaaraadku tababaray ay weerar ku qadeen Guriga Senator Cabdi Qaybdiid oo ah Mudane ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya  sidoo kalena ah Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka. Ciidamada weeraray guriga Senator Qaybdiid ayaa la sheegay in aysan wax amar ah haysanin ama waraaq fasax oo ay hawlgal ku sameeyaan aysan waddanin.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo dhacda kaddib war qoraal ah soo saaray ayaa farray Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka inuu si degdeg ah baaritaan loogu sameeyo falkii lagu weeraray guriga Senator Qaybdiid, sharciga la soo taago cid kasta oo ku lug lahayd falkaasi.

Senator Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid oo weerarka kaddib Saxaafadda kula hadlay guriga la weeraray ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan kuwa Imaaraadku tababareen ay gurigiisa si sharc  darro ah ku galeen. Ma jirto wax khaasare ah oo weerarkaan in dhaliyay oo la xaqiijiyay.

17-kii bishaan Diseembar ayay ahayd markii Ciidamada Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka ay weerareen Hoyga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ah Guddoomiyaha xisbiga Waddajir iyagoona xabsiga dhigay weerarakasina ku dilay 6 ruux oo ay ilaaladiisa ay ku jireen.