Askar Faransiis ah oo ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay Maali

639

13 askari oo ka tirsan ciidanka Faransiiska ayaa ku dhintay shil diyaaaradeed kaddib markii laba diyaaradood oo helikobtar ah ay isku dhaceen intii uu socday hawlgal ka dhan ah kooxaha jihaadiyiinta ee dalka Mali, sida uu sheegay xafiiska madaxweynaha Faransiiska.

Shilka Isniinta ayaa ah midkii ugu khasaaraha xumaa ee soo gaara ciidamada Faransiiska muddo tobanaan sano ah.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ka muujiyay “murugo qoto dheer” shilkaan. Baaritaan ayaa la bilaabay.

Sannadkii 2013, Faransiiska ayaa kumanaan ciidan ah u diray dalka Mali kadib markii kooxaha islaamiyiinta ay qabsadeen qaybo badan oo Waqooyiga dalka ah.

Ciidamada Mali waxay ilaa iyo hadda dib ula wareegeen dhulkii laakiin nabadgelyo xumo ayaa halkaa ka sii socota iyadoo rabshadaha aya ku fideen waddamada kale ee gobolka.

Faransiiska ayaa hadda leh 4,500 oo ciidan ah oo loo diray in ay taageeraan ciidamada Mali, Mauritania, Niger, Burkina Faso iyo Chad si ay u la dagaalamaan kooxaha Islaamiyiinta.