Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa xukun gaaraya shan sano ku ridday labo askari oo ka tirsan ciidanka milatariga kuwaas oo fal dhac u geystay shirkadda isgaarsiinta Hormuud.
Labadaan askari oo lagu kala magacaabo C/Kariin Muuse Muxiyaddiin iyo Aweys Faarax ayaa guddoomiyaha maxkamadda ciidanka qalabka sidda Xasan Cali Shuutte sheegay in ay dhac ka geysteen xaruumaha shirkadda Hormuud ee ku kala yaal xaafadda Kaawo Godey ee degmadaWadajir iyo Tareedisho duleedka Muqdisho.
Askartaan ayuu garsooruhu xusay in ay lacag gaareeysa 15000 oo dollar ka dhaceen shirkadda taariikho kala gedisan sida 2-6-2018 oo kaawo Godey xaruun ku taal la dhacay iyo7-7-2018 oo fal kale oo dhac uu ka dhacay xaruunta KM13 ee duleedka Muqdisho.