Ashraf Ghani: Talibaan ha loo aqoonsado urur siyaasadeed

929

Madaxwaynaha dalka Afghanistan Ashraf Ghani, ayaa Ku baaqay in kooxda Taalibaan loo aqoonsado inay yihiin urur siyaasadeed oo jira si dalka dagaalladu ay halakeeyeen nabad loogu noolaado.

Ashraf Ghani, madaxwaynaha dalkaasi Afghanistan, ayaa waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in Taalibaan ay yihiin koox siyaasadeed si ay miiska wada hadalka ay u yimaadaan.

“Waxaan rajaynayaa in Mustaqbalka Nabadda dalka Afghanistan ay kooxda Taalibaan door ay Ku yeelan doonaan Nabadda Mustaqbalka dalka haddii ay helaan aqoonsi siyaasadeed ” Mr Ghani ayaa sidaa waxaa uu ka sheegay furitaanka shir caalami ah oo looga hadlayo arrimaha Amniga.

Kooxda  Taliban, ayaa dalka Afghanistan mar ka talin jiray ka hor inta Maraykanka uusan Ku duulin dalkaasi.