Asaasihii iyo hoggaamiyihii kooxda Xaqqaani ee ka dagaalanta dalka Afgaanistaan Jalaaluldiin Xaqaani ayaa geeriyooday kooxda Talibaan ayaa sidaas sheegtay.
Hoggaamiye Jalaaludiin ayaa la sheegay in waayahaanba uu sariirta ku aruuray oo uu xanuunsanaa, waxaana inta badan shaqada hayay wiilkiisa Siraajudiin oo ah ku xigeenka hoggaanka kooxda Talibaan.
Kuma ayuu ahaa Jalaaludiin Xaqqaani?
Jalaaludiin Xaqqaani waxa uu ahaa dagaalyahan jabhad ah oo kusoo can baxay dagalkii Ruushka ku qaaday dalka Afgaanistaan. Sanadkii 1970kii ayuu aasaasay kooxda aadka looga cabsado ee Xaqqaani oo ah koox iskaga kala gudubta Afgaanisttaan iyo Pakistaan, marar bandanna Maraykaknku ku eedeeyo in sirodonka Pakistaan taageero wallow ay Paksitaan iska diiday.
Jalaaludiin waxa uu markii hore xulafo la ahaa Maraykankii oo taageerayay mujaahidiinta dagalka kula jiray Ruushka, in kasta oo markii danbe uu u wareegay Talibaan oo uu ka hor yimid Maraykanka iyo xulafadiisa markii ay weerareen dalka Afgaanistaan.
Kooxda uu hoggaamin jiray ka hor inta uusan sariirta ku aruurin ayaa ah koox ku caan baxday weeraro aad u qorsheysan oo ay u geystaan ciidanka Maraykanka iyo kan Afgaansitaan.
Jalaaludiin asaasaasihii kooxda Xaqqaani oo Maraykanku ku eedeeyo sirdoonka pakistaan ee ISI ayaa geeriyooday , isaga oo ka tagay koox aad loga baqo oo ku caan baxday weeraro heerkoodu diyaarin aad u sarreeyo.