Arsenal oo ku guulaysatay Community Shield: Sawiro

2106

Arsenal ayaa hanatay koobka Community Shield kadib gool ku laad ay uga adkaatay dhigeeda Chelsea.

Labada kooxood ayaa isku mariwaayay 1-1 waqtigii caadiga ahaa, Arsenal ayaana ku adkaatay gool ku laad dhan 4-1.

Ciyaarta ayaa ku bilaabatay weerar iyo weerar celis, Arsenal ayaana u muuqatay mid weerarkeedu uu ahaa mid halis badan bilowgii ciyaarta.

Welback ayaa laga badbaadiyay kubadd uu madaxeeyay, goolhaye Courtois ayaana si fudud u qabsaday kubadda.

Weerar yahanka ku cusub Arsenal ee Lacazette ayaa ku dhawaaday inuu hogaanka u dhiibo kooxdiisa, laakiin kubadd uu xirfadeeyay ayaa ku dhacday birta.

Chelsea ayaa dhankeeda ku dhawaatay inay dhaliso goolka hogaanka, laakiin qaybtii hore ayaa ku soo idlaatay 0-0.

Bilowga qaybtii dambe, Victor Moses ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiisa Chelsea, wuxuuna ka dhigay ciyaarta 1-0.

0-daqiiqo Pedro ayaa qalad ku galay Elneny, garsooraha ciyaarta ayaana u taagay kaarka cas, waxaana laga saaray ciyaarta.

82-daqiiqo daafaca cusub ee Arsenal Sead Kolasinac ayaa u dhaliyay kooxdiisa goolka barbaraha kadib kubadd uu ka helay Xhaka, wuxuuna ka dhigay 1-1.

Ciyaarta ayaana sidaas ku soo idlaatay waqtigii loogu talo galay, sida sharciga ah labada kooxood ayaa lagu kala saaray gool ku laad, Arsenal ayaana ku adkaatay 4-1.