Arday lagu laayay xadka K/Suudaan iyo Kenya

833

Wararka laga helayo dalka Kenya ayaa waxaa ay sheegayaan in Shan arday iyo nin waardiye ah toogasho lagu dilay iskuul ku yaal meel u dhaw xadka Kenya ay la wadaagto  Koonfurta wadanka  Suudaan, sidaa waxaa  ku waramayaa warbaahinta dalka dalkaasi.

Kooxaha weerarka geystay ayaa la sheegayaa  in ay ka yimaadeen dhanka Koonfurta Suudaan.

Waxaa sidoo kale Kufsi loo geystay gabdho ku sugnaa Iskuulka Weerarka lagu qaaday.

Weerarkaan ayaa dhacay Saaka aroortii hore, waxaana Ciidamada Ammaanka ay sheegeen in ay wali waddaan baaritaano.