Arday iyo macalimiin ka baxsaday weerar lagu qaaday iskuul ku yaala Nigeria

728

Dowladda Nigeria  ayaa xaqiijiysay in Gabdho iskuuley ah iyo macalimiin ay ka baxsadeen weerar ay kooxda Boko Haram ku qaadeen iskuul la seexdo oo ku yaalla waqooyi bari ee dalka Nigeria.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in Isniintii mintidiinta wata gawaari ay yimaadeen magaalada Dapchi, oo ku taalla gobolka Yobe, halkaasi oo rasaas ay ku fureen ayna dhigeen qaraxyo.

Shaqaalaha iskuulka iyo ardayda oo maqlay shanqarta ayay u suuragashay in ay goobta ka baxsadaan.

Bishii April 2014, kooxda Boko Haram ayaa waxay 270 gabdhood ka afduubteen iskuul ku yaalla magaalada Chibok ee wuqooyi bari Nigeria.

Dadka degaanka Dapchi ayaa waxay sheegeen in ay rumaysan yihiin in Boko Haram ay qorshaynayeen in ay afduubtaan gabdhaha iskuulka ay weerareen.

Markii ay dagaalyahanada Boko Haram ogaadeen in iskuulka aysan cidna joogin ayaa waxa ay dhaceen waxyaabihii yaallay halkaasi.

Ciidamada Nigeria oo kaashanaya diyaaradaha militariga ayaa markii dambe dib u riixay maleeshiyaadkan Boko Haram.