Aqalka sare oo xal u raadinaya khilaafka maamul goboleedyada iyo dowladda federaalka

26

Muqdisho (UM) – Guddiga joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka  Soomaaliya ayaa maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho oo ay uga arrinsanayen xaaladaha  amni iyo siyaasadeed ee dalka waxa ay soo saareen war saxaafadeed .

War saxaafadeedka ay soo saareen guddiga joogtaha ee Golaha Aqalka Sare ayay ku sheegeen in Aqalka Sare ay xal u raadinayaan dhammeynta khilaafka u dhaxeeya dowlada federalka iyo dowladaha xubnaha  ka ah. Guddigu waxa uu sheegay in ay wafdi ka socda aqalka sare u dirayaan dhammaan maamul goboleedyada  si ay ugu kuurgalaan xaaladaha amni, siyaasadeed, nololeed iyo federaaleynta dalka.

Guddiga golaha aqalka sare ayaa ka codsaday dhammaan golayaasha kala duwan ee maamul goboleedyada  eek u lugta leh soojeedin(Motion) in ay joojiyaan si guddiga aqalka sare ay hawshooda u gutaan oo xal looga gaaro khilaafyada taagan.

Aqalka Sare ayaa ku booriyay dawladda federaalka iyo maamul goboleedyada in ay ka fogaadaan wax kasta oo sii hurin kara khilaafka iyo ismaandhaafka hadda taagan.

Guddiga joogtada ee aqalka sare ayaa war saxaafadeedkooda ku afmeeray baaq ay u direen  shacabka Soomaaliyeed oo ay ka codsadeen in ay taageeraan dadaalada dastuuriga ee  aqalka sare xalka  ugu raadinayo ismaandhaafka siyaasadeed ee  hadda taagan.

SHARE