Muqdisho (UM) – Guddiga joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho oo ay uga arrinsanayen xaaladaha amni iyo siyaasadeed ee dalka waxa ay soo saareen war saxaafadeed .
War saxaafadeedka ay soo saareen guddiga joogtaha ee Golaha Aqalka Sare ayay ku sheegeen in Aqalka Sare ay xal u raadinayaan dhammeynta khilaafka u dhaxeeya dowlada federalka iyo dowladaha xubnaha ka ah. Guddigu waxa uu sheegay in ay wafdi ka socda aqalka sare u dirayaan dhammaan maamul goboleedyada si ay ugu kuurgalaan xaaladaha amni, siyaasadeed, nololeed iyo federaaleynta dalka.
Guddiga golaha aqalka sare ayaa ka codsaday dhammaan golayaasha kala duwan ee maamul goboleedyada eek u lugta leh soojeedin(Motion) in ay joojiyaan si guddiga aqalka sare ay hawshooda u gutaan oo xal looga gaaro khilaafyada taagan.
Aqalka Sare ayaa ku booriyay dawladda federaalka iyo maamul goboleedyada in ay ka fogaadaan wax kasta oo sii hurin kara khilaafka iyo ismaandhaafka hadda taagan.
Guddiga joogtada ee aqalka sare ayaa war saxaafadeedkooda ku afmeeray baaq ay u direen shacabka Soomaaliyeed oo ay ka codsadeen in ay taageeraan dadaalada dastuuriga ee aqalka sare xalka ugu raadinayo ismaandhaafka siyaasadeed ee hadda taagan.