War saxaafadeedkaan ka soo baxay golaha aqalka sare oo ku taariikheysan 25 Maarso 2018, ayaa waxa uu ka koobnaa talooyin ku saabsan habka loo xallinayo khilaaffa , wakhtiyeeynta mooshinka iyo waliba meel marinta codsiga golaha aqalka sare.
Ugu horreeyn golaha aqalka sare ayaa ugu baaqay xildhibaanada in ay ilaaliyaan midnimada baarlamaanka oo wax kasta ka hormariyaan danta dalka iyo dadka.Una guntadaan sidii ay hab dastuuri ah ugu maareeyn lahaayeen mooshinka laga keenay guddoomiyaha baarlamaanka, iyaga oo raacaya qodobka 65aad faqradiisa afaraad iyo shanaad ee xeer hoosaadka baarlamaanka.
Waxa uu sidoo kale golahu soo jeediyay talo ku aadan wakhtiyeeynta aqbalaada mooshinka.Sida ku cad warsaxaafadeedkana goluhu waxa uu arkaa 18k Maarso in ay tahay maalinta la aqabalay mooshinka .Goluhu waxa uu muujiyay sida ay diyaar ugu yihiin korjoogeeynta iyo fududeeynta dooda iyo coddeeynta , iyaga oo la kaashanaya masuuliyiinta ay khuseeyso ee golaha shacabka.Waxay sidoo kale war saxaafadeedka ku caddeeyeen in haddii lagu guul dareeysto maareeynta moosinka sida ka doodida iyo u codeeynta muddada sharciga cayimay uu mooshinkaas noqonayo mid buray.
Ugu danbeeyn waxay golaha sare ka codsadeen dhinacyada khilaafku u dhaxeeyo meel marinta talooyinka guddig a aqalka sare.Si la mid ah waxay uga codsadeen madaxweynaha dawladda federaalka in uu culeeys ku saaro dhinacayda ay khuseeyo sidii xal looga gaari lahaa khilaafka.
Golaha ayaa si guud ugu mahadceliyay beesha caalamka sida dareenka uga muujiyen khilaafka baarlamaanka .Waxay sidoo kale ka maahdceliyeen talooyinka ay ak heleen ururada bulshada rayidka Soomaaliyeed.