Xildhibaanada Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa maanta shir Ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaasi oo ay kaga hadleen arinta dooda badan dhalisay ee Cabdikariin Qalbi dhagax.
Xildhibaanada ayaa u codeeyay arinta Qalbi dhagax inkastoo ay ga’aansadeen in dib loo dhigo Ajandaha golaha oo ahaa inay arintaas kasoo saaraan go’aan cad oo qeexi lahaa hadii dowladda Soomaaliya ay Ku saxan tahay in Sarkaalka ONLF ee Cabdikariin Qalbi ama ay Ku qaldatahay.
Guddoonka Aqalka Sare ayaa sheegay in ajandaha kiiska C/kariin Qalbi Dhagax dib loo dhigay, illaa ay ka soo dhamaaneyso dooda Golaha shacabka oo wali uu kiiskan ka furan yahay.
21 Xildhibaan ka tirsan Aqalka Sare ayaa u codeysay in dib loo dhigo ajandaha, isla markaana laga saaro ajandaha dooda maanta, halka 11 Xildhibaan ay diiday, waxaana ka aamusay 4 Xildhibaan.