Xubnaha Xildhibaanada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay xaruntooda Magaalada Muqdisho.
Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa waxaa ay ka hadleen arrinta shirkadda DP World ee ku saabsan heshiiskii Dekadda Magaalada Berbera ee dhex maray DP World, Itoobiya iyo Maamulka Somaliland.
Dood Kulul oo ay maanta ka yeesheen arintaasi ayay Xildhibaanada Aqalka Sare waxaa ay cod aqlabiyad leh ku ansixiyaan kuna ayideen go’aankii Golaha Shacabka ee dalka Soomaaliya looga mamnuucay Shirkadda dalka Imaaraadka laga leeyahay ee DP World.
Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/laahi ayaa warbaahinta u sheegay in xeerkan uu ka soo gudbay Golaha Aqalka Sare wixii hada dambeeyana uu u gudbay Madaxweynaha Soomaaliya.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Isniintii sharci daro ku tilmaamay dhammaan heshiisyadii ay shirkadda DP World ka sameysay Soomaaliya, waxaana ay sheegeen in guud ahaan laga mamnuucay dalka.
28 ka mid ah xildhibaanada Golaha Aqalka Sare ayaa ogolaatay in dalka laga saaro shirkadda DP World, 6 ka mid ah xubanaha Aqalka Sare ayaa diiday halka 2 Mudane ay ka aamuseen, taasi oo ka dhigan in kulanka ay soo xaadireen 36 xildhibaan.
Kulankii Shalay ee Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa waxaa hareeyay buuq iyo sawaxan dhaliyay in lagu kala dareero kulanka Aqalka Sare kadib markii la isku khilaafay waqtiga ka doodista qodobkan, balse maanta ayay kulmeen.