Aqalka Sare oo magacaabay Guddiga ka shaqeynaya isu-keenista madaxda DFS iyo Dowlad Goboleedyada

169
Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi. Sawirka/Aqalka Sare.

Muqdisho – Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa magacaabay Guddiga ka shaqayn doono shir looga arrinsanayo arrimaha Doorashooyinka Qaranka.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa wareegto ku magacaabay Guddigaan oo ka kooban 9 xubnood.

Guddiga ayaa shaqadiisu tahay isu- keenista madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad Goboleedyada dalka iyo in ay ka shaqeeyaan qabsoomidda shirka wadatashiga ee looga arrinsanayo hannaanka Doorashooyinka Qaranka ee 2020/2021.

” Guddiga kor ku magacaabani waxay si degdeg ah uga shaqeymayaan isu-keenista madaxda labada heer dowladeed iyo qabsoomidda shirka looga arrinsanayo hannaanka lagu geli doono Doorashooyinka Qaranka ee 2020/2021 si loo helo hab iyo hannaan raalli la isaga yahay oo doorashada lagu galo” ayaa lagu yiri wareegtada lagu magacaabay Guddigaan.

Magacaabista Guddigaan ayaa imaanaysa iyadoo uu muran ka taagan yahay Doorashooyinka heer Qaran iyo waqti ay dhacayaan.

SHARE